Haddaan jilayaa Jacayl
haddan jawi caashaq galay
Haddaan jaan goynayaa
Naflaha kii aan jantee
Jaleecada eegmadiisa
Qalbigu jiituu ka helayee

Jamaalkiis iyo asluubta
jaliilku siduu u uumay
lajoogiisaa jeclahee
marnaba kama jeesan karoyee
lajoogiisaa jeclahee
Miyuuba jiraa maya maya maya
Miyuuba jiraa maya
Miyuu jiraama midaan
Dunida Ku jimayn karaaya

Hadaan jeestaynayaa
Hadaan jiifkii ka toosay
Hadaan jikaarkii ka reestay
noolaha kii aan jeclaaday
Farxadi way jirtaayee

Jamaalkiis iyo asluubta
jaliilku siduu u uumay
lajoogiisaa jeclahee
marnaba kama jeesan karoyee
lajoogiisaa jeclahee
Miyuuba jiraa maya maya maya
Miyuuba jiraa maya
Miyuu jiraama midaan
Dunida Ku jimayn karaaya

Exit mobile version