Hadaan kala maarmiwayni
Hadmaad maarayn dantayna

Ma waylo jacaylka ka taagan
Haduuu malabyahay la leefo
Macaanka hadmaynu gaari
hashiisa intaynu maalno
Hadmaynu is oran mugaabi
jacaylkaynu midoobi

Xuskiisa iyo maalmahiisa
Maamuuska intaan adkayno
Muraayada caashaqayna
Hadmay martideenu daawan

Adoon dumar ila misaylin
Hadmaad midigtayda joogsan

Run baa lagu meel maraayee
Qalbiga caashaqu miraayo
Hadmaad murugada ka meeri
Intaan muxibada wadaagno
Qalbiga iyo mid aanu yeelan
Jacaylkeenuna midoobi

Xuskiisa iyo maalmahiisa
Maamuuska intaan adkayno
Muraayada caashaqayna
Hadmay martideenu daawan

Exit mobile version