Heesta Ha maleysan inaan ku nacay - Lyrics
Jacaylka miyaan hagraday
Dabuubta miyaan habraday
Miyaan hibashada qarsaday
Hantaaqa miyaan kasbaday
Hawraarta markaan cuskaday
Hadaan gocashada furfuray
Hiyigu wuxuu dhibsaday
Sowtaan heesaha burqaday
Anoo nafta kuu hibeeyey
Xidhiidhka hadii aan gabay
Hamalaysan 2x inaan kunacay
Dadaalka miyaan hakaday
Dananka miyaan hinqaday
Miyaan la'aantaa hadhsaday
Miyaan qorsha kale higsaday
Hafeefka anoo damqaday
Intaan hareertaada xigsaday
Waxaan hubsiimo kusugay
Hankaagii maxaa katiray
Anoo nafta kuuhibeeyey
Xidhiidhka hadii aan gabay
Hamalaysan inaan ku nacay
Lyrics by Cabdi Ismacil