VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyo - Lyrics

Dheeman iyo luuleeyaa Dhaayaha urooneeyaa Gaaridii an dhalayeey yaa Iisoo dhawaw Hooyo Hooyoy dhaban qurux saneeyaa Dadnimo waa loo dhashaayee Waxaad tahay gaari dhiibsan dhaliil iyo ceeb ka Dhawrsan Allaa sharaf kuu dhameeyay Asluubtiyo dhaqanka Suuban anaa kugu dhalay Xishoodka. Far shaxan hooyaday ka dheegtay Sidaan ugu dhaadanaayey Ayaa adna iga dhaxashay Dhabada. Diinteena toosan Horaad ugu dhaga nuglayd Dhalshaada kusoo barbaari Wiilkaad udhaxdee dhigaaya Xaqdhawr hooyo mudanahaaga Tixgalin dheeraadada yeelo Reerkaaga dhaqaalihiisa dhisoo darayada ka dhawro Ducada waa lugu dhaqmaaye Dhab iyo ehel soo dhawyso Sokeeyaha dhabar uyeelo Adiyo geesiga dhigaaya Illahay ha idin dhawree. Hoobeeyoo helele Dhigiin ugu sharaf badnaada Hoobeeyoo helele Dhalaan khayr qaba gardaad sha Hoobeeyoo helele Dhigiin ugu sharaf badnaada Dhalaan khayr qaba Gardaad sha Amiin. Amiin
Queue is empty
-- / --