VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl laygu maashee - Lyrics

sow maalin kuma baran
muuqaaga lama dhicin
hadalkaagu ima marin
malab la iima kaa marin

sow jacayl iguma mudin
naftu saw kumay mudan
miyirkaaga kama helin
miyaan meel u kacayaa
sow madaxa maad degin

jacayl la igu maarshee
sida mayeyga igu hoor
miiraale xoog badan
igu noqoy ma hiigaan
hadba mawjad igu kici

alla magan kuu go'ay
inta maalmo ii dhiman
naftu adiga kuu magan
kala maarmi maynee
aan ahaano labo mida
ha milgowdo noloshuye
jacayl guuna maal geli
ha la inoo mushxaradee
caashaq raagay meel mari

aan ahaano labo mida
ha milgowdo noloshuye
jacayl guuna maal gale
ha la inoo mushxaradee
caashaq raagay meel mari

jacayl la igu maarshee
sida mayeyga igu hoor
miiraale xoog badan
igu noqoy ma hiigaan
hadba mawjad igu kici

Queue is empty
-- / --