Heesta jacaylka ila dhaaf - Lyrics
hadii aan udhawaaqiyo
hadalkayga dhuuxayn
farxadaydan kala dhiman
hadii aanu dhamaynayn
dhambalkaan udirayaa
qalbigaygan dhaawacan
hadii aanu dhayaynoo
reer ila dhisayn
dhididkaan ushubayaa
dhibaan kaa mutaystee
jacayloow ila dhaaf
ila dhaaf jaceyloow
hawlahaagan dheeree
abid soo dhamaanayn
hadii aanu idhaadayn
marna soo dhawaanayn
caashaqan idhalan rogay
dhiniciisa qabanayn
kaftankaan udhigayaa
waanigan dhur sugayee
hadii aanu dhabaynay
iina dhago nuglaanayn
dhibaan kaa mutaystee
jacayloow ila dhaaf
ila dhaaf jaceyloow
hawlahaagan dheeree
abid soo dhamaanayn
dhibaan kaa mutaystee
jacayloow ila dhaaf
ila dhaaf jaceyloow
hawlahaagan dheeree
abid soo dhamaanayn