ma ogahay jaleecada
jacayl inuu ka beermoo
qalbigii dhex jiifoo
dookhu jalaskaa ii tumay

anoo damacu igu jirin
jamashana aan kuu qabin
miyaan kugula jaraa
nolol aan jacayl aan wadan
miyaan kugula joogaa
guur calaf jujuub yahay

xagee baad jar dheeriyo
jufo buurta miicida leh
isku saartay jeegooy

jaanqaadka maba nihin
dareen laba ku jaartee
haka tagin wixii jirra

niyad jeesatoo gudhan
qof jeclaaday ba,anaa

hadaad ii jabaysiyo
hadaaad ii jiraban tahay
marna kuuma jiidh naxo

dad alloow jacaylkoow
qof kaa jeeda kaa galay
hadii aan la jari karin
sideen ugu jiheeyaa

daawo jirada biisoo
kaaha jabisa muxibada
in jacaylku leeyahay
xidigaha dhex joogsoo
bal jaylaani waydii
in jawaab laguu helo

xagee baad jar dheeriyo
jufo buurta micida leh
isku saartay jeegooy

jaanqadka maba nihin
dareen laba ku jaartee
haka tagin wixii jira

niyad jeedsatoo gudhan
qof jeclaaday ba,anaa

hadaad ii jabaysiyo
hadaad ii jiriban tahay
marna kuuma jiidh naxo

Exit mobile version