VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ka joog cover - Lyrics

Hadii dhagta ruux la jaro Daluulku wuu joogayaa Jaleelada geed u yaal Midhaha laga jalamsadaa 2x Jiriyo hada jooguba Aadmigu waa is jidhayaan Hadana laba jacay dhex yaal Sinaba uma kala jarmaan 2x Ka joog waar hooy ka joog Ka joog waar hooy ka joog Waxbaa jira,ee ka joog Ha jarin caashaqa ka joog 2x Hadaad jeestada adigu tahay Dadbaa jaarnimada jecel Jidgooyada looma dhigo Halkuu qalbigaagu jiroo 2x Indhaha soo jiidayoo Jidhkaa i dubaaxiyee Ileen kama jiifsan karo Jacaylku waa ba,an yahee 2x Ka joog waar hooy ka joog Ka joog waar hooy ka joog Waxbaa jira,ee ka joog Ha jarin caashaqa ka joog 3x
Queue is empty
-- / --