naftaydii haraadanayd
hamuuntiyo caashaqii
adaa iiga hiiiliyoo
hankayguna ku dagay
adaa ubax iga hor lulay
gacmaha ii haadiyoo
hayaankiyo geedigii
ha noogine furo i yidhi
ruuxdaa kuu heelanoo
wadnaha kugu haynayooo
adaa hanadoow qalbigu
kolaba ku hilmaami karin

hoodiyo waa guul alloo
laabtayda adaa hadhsaday
qofaan ku hirtoon jecliyo
waxaa tahay lama huraan
hanaqaad ku sugnaydiyo
hiyigii ku tabi jiraybaa
hawraarsan kaa sugaayee
kaalay hiashada dawee
ruuxdaa kuu heelanoo
wadnaha kugu haynayooo
adaa hanadoow qalbigu
kolaba ku hilmaami karin

Exit mobile version