Heesta Lamaane - Lyrics
sidii dhool gubaad
iigu dheertahoo
adaan dheehashada
faysaay kula dhecee
dhulkoo raysle iyo sida dhir iyo ubax
loogu dhaygagaan dhalaal kuula dhacay
dhal gobeedeey qalbiga
way ayaad ku dhex beranto
dhadig iyo hablahaan
dhabtii kaa xushee
anba dhiigayga iyo
dhuuxa iyo lafahaad
i dhex qaadooyoo
kuma dhaafi karo
mudaan gacalooy dhul sugayee
inaan reer wada dhisnee
haduu meher iigu kaa dhacay
farxadi iimaba dhinee
xaqiiq way ii dhantee
maruun ii soo dhawoow
faaisa dhabta igu qabo
ogow anigub dharaariyo
dhaaxaan ku sugayayoon
dartaa dhuuniga u nacayee
hadaan calaf kuugu dhaxay
caawa way ii dhantee
gayaan kii ila dhashoow
walaal dhabta igu qabo
dhankastaba filkaa
dhaqan iyo asluub
ayaad dheertehee
dhana ha iga tagin
waxaan dheehashada
kuugu dhaygagaa
waa dhala shadee
adna dhawr axdiga
raboow ha iga dheerayn
dhamaantoodba hablaha
taan ka dheehdayee
nafta dhayi lahayd
rabiyoow dhawr sanaan
dhibaatada kaga bari
qofaan dhaafsadaa
ifka kuma dhaqnee
by masuul .com