VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mugaabi Caashaqa ft yurub geenyo - Lyrics

Qaadiro: Waxaa tahay marleey dumar Middii ugu sareesee Marwadoodi noqataay Sida mayaga roobkuu Maanshayay dunidee Naftu kaa maqsuudee Gacantayda midigee Mataantayda nolashay Moolahu isiiyaay Ha igu maalin iyo layl Kalkacayl aan maalnee U mugaabi caashaqa Yurub: Alla mahadii weeyee Midkii iga maqnaayee Mudo aan sugaayoo Maalintaan ku halacsaday Muxibadu iqaadoo Maankay ku raacoo Maskaxdayda hanatoo Miirkayga qaadee Sideen kaaga maarmaa Ilaah milki iyo sharaf Ha kusiiyo Maamuus Mahad badan ku noolow Qaadiro: Qurux lama masuugee Mii iyo magaalaba Adigaa u muuq roon Marayrkoo bislaadiyo Ubax iyo  maankoo baxay Nafta muhashadaydaay Mas'aladiisa caashaqa Miraha aan ka guranee Macaaan, haiga dheeraan Ha igu maalin iyo layl Kalkacayl aan maalnee U mugaabi caashaqa Yurub Murtiyahaan aqoon badan Geesi aanan la mari karin Rag mudanahiisoo Maseexdoo habeenkii Oomatada ma daayoo Waa layga mudanyahee Wuu midabo badanyahay Waa maax jacaylkoo Hadba soo murkacayee Ilaah milki iyo sharaf Ha kusiiyo Maamuus Mahad badan ku noolow
Queue is empty
-- / --