VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z

Nasiib Lyrics

dartaa waxaan ahay mabsuud
waxaad mudantahay jacayl
agtaada markaan imaad
macnaha nolosahaan bartaa

dartaa waxaan ahay murtaax
waxaad ii tahay miciin
milgaha waan kuu qiroo
naftaad ila maamushaa

waxaad mulkiday xiskoo
ishaan kaa maarminoo
adaa magan iigu filan
maamuustana waad taqaan

marwaad ii tahay gobee
markaan ahay bidix mug wayn
mataantaydaad tahee
ahaw gacan midig ahaw

nasiibaa midho dhaloo
mawlaa igu kaa daroo
wataa murugadu hadhee
maankayga ku soo harnow

midkaan isku duubanee
awgii rag ka maagayoo
marqaati waxaan ka ahay
inaan kula mawqif ahay

waxaad tahay muuq qurxoon
mansabka dumarkaad sidaa
xiskaan ka midownaybaa
marnaba kaa quusanayn

kartida anfacdaa i deeq
kalsooni muglaan qabaa
anoo meherkaaga raba walee
walee maal kuguma xidho

diyaar kuu ihi macaan
anaa milyan quudhayoo
hantidu waa meerto e
marlay qudha waan ku siin

Lyrics by: anwar

Song name
-- / --