nafbaan sabayaa wax jecel
sugoo samirbaan idhaa
inuu saxar gaadho iyo
sasbaan ka ilaaliyaa
seegseegbaan diidayaa
sadbaan u hamuun qabaa
sansaan naxariisliyo
sareedana waan arkaa
nabdiga kii aan ku saday
qalbiga sooryo uga dhigay
ayaa ii soo socdoo
niyadu way ii santay
naqbaan sahanshaa kalgacal
saymiyo roobaan arkaa
halkaan salka dhigi lahaa
ayaan suuraynayaa
intaa waan salalayaa
miyaan kula saayiraa
saadashaydii wacnayd
ayuu ku sifoobayaa