Heesta Qaamuus Jacayl - Lyrics
Markaad tahay ruux qudhayda
Waxay qoonsataba ka dhowra
Waxaan ahay ruux qalooca
Qabyada nolashaada diida
Markaa tahay ruux qalbiga
Adeeg unoqdoo daweeya
Waxaan ahay ruux qadarin
Qurmo iyo kuu qaba tixgalin
Waxii qiso dhacay jacayl ah
Taariikhdu, haday qoreeso
Qaamuuska kuwii galaynu nahay
Markaa tahay ruux qumaanti
warka iyo qolka iyiraaahda
Waxaan ahay ruux uqaata
Dhinaca quman iyo wanaaga
Markaad tahay ruux qamuunyo
Dharaar qudha aan ibadin
Waxaan ahay ruux qorsheeya
Qasriga libinta iyo nolasha
Waxii qiso dhacay jacayl ah
Taariikhdu, haday qoreeso
Qaamuuska kuwii galaynu nahay