VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qabyaalada - Lyrics

qoom wada dhashoo qaaradaha dunida magac qudha ka qoran qawl iyo af qudha ku hadloo qormana wada daga qarniyoo qorax soo baxdana quudka isku hura ayaa kala qobabay qabyaalad qoys qoys u xidhay qabyaalad qiimaheena dilay qabyaalad naga qabo ALLOW qabyaalad dhul qiyaas la'aan qotontoo nimcada qaaxadiyo dushaa qasnadaha ku jira ee wali qufulan dadkan qayb u helay qolqolkana si fudud uga qaadan kara maxaa qarafo baday qabyaalad qadoodiga dul dhigay qaaxo noogu wacan qabyaalad naga qabow ALLOW qabyaalad qof aqoon lahoo qarankiyo bulshada wax u qaban lahaa ama qaladka jira iiman qab iyo run ku qeexi kara taladii qumana aad u qaada kara ayaa quus ka dhigay qabyaalad qolo loogo nacay qabyaalad qaaq ka wada nidhi qabyaalad qaar maamuloo qadarinuun ku heli dadyow dal qiray qaydhin iyo busayl qaranimada ku timid ee hadii qumani loo qaybsan laa la qareensan laa qindi yaa ku gura qabyaalad inta badan qarsada qarsada noogu wacan qabyada qabyaalad naga qabo ALLOW qabyaalad
Queue is empty
-- / --