Qumanoow waxaa tahay
Ubax qaayaweeynoo
Qalbigiyo laabtiyo
Ku qotama wadnaha
Oooooo ooooooo
Kuwa dhiigga qaadaa
Qiyaastii waraabshaan

Qudhaydaa ku jeceloo
Kaa quusan maayee
Qudhaydaa ku jeceloo
Kaaa kaaa quusan maayeee

Qormo lagu baraariyo
Tii lagu qaboobiyo
Aaan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Aan qooys yagleelnee
geestaada ila qaboooo

Quruumaha adduunyada
Qaadirkeen ku uumay
Adigaan ku qaayibay
Qofna kulama sima
Eeeee eeeeee

Qawlkaaga wacan baa
Nafta qiima galiyee
Guurkaad qorsheeysaan
Kula qaatay aniguyee
Guurkaad qorsheeysaan
Kula kula qaatay aniguyee

Qormoo lagu baraariyo
Tii lagu qaboobiyo
Aan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Aan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo

Exit mobile version