Heesta Qoys - Lyrics
Qumanoow waxaa tahay
Ubax qaayaweeynoo
Qalbigiyo laabtiyo
Ku qotama wadnaha
Kuwa dhiigga qaadaa
Qiyaastii waraabshaan
Qudhaydaa ku jeceloo
kaaa quusan maayeee
Qormo lagu baraariyo
reer lagu qaboobiyo
Aaan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo
Quruumaha adduunyada
Qaadirkeen ku uumay
Adigaan ku qaayibay
Qofna kulama simin
Qawlkaaga wacan baa
Nafta qiima galiyee
Guurkaad qorsheeysaan
Kula qaatay aniguyee
Qormoo lagu badhadhiyo
reer lagu qaboobiyo
Aan qooys yagleelnee
Geestaada ila qabo