Heesta Raran - Lyrics
Dhaxaan riyo kugu arkoo
Raacdada caashaqa dartaa
Ragoo idil kaaga go'ay
Inaan rasmi kuu helee
Dhaxaan rucla orodka jaan
Anoo run u haysta been
Rugtiina anoo ku meeray
Rakiyo meel dheer kortee
Hadaaan rucub lulatiyo
Dhul raysle ku moodi jiray
Maantaba rug abaariyo
Xagayga raran baad ka tahay
*** *** ***
Dhaxaaan kuu roorayoo
Rafaadka jacay dartaa
Ruuxdayda intaan ku siiyay
Runeeyay wax aanan haynin
Dhaxaaan kuu riyaaqayo
Anoo jidhiidhico i roortay
Dhagana kuu raaracsho
Raadkaa ii gaadhi waayay
Hadaaan rucub lulatiyo
Dhul raysle ku moodi jiray
Maantaba rug abaariyo
Xagayga raran baad ka tahay
Lyrics by Ibnu Hashi Muuse