Si baa unuglaa baryaba
Waxaan sahanshaa kalgacal
Sirtaan uqariyaaa hadana
Dharaaro socdaan tirshaa
Sareero nasiib dhaliyo
Siraad baxayaan arkaa

Waxaan sabayaa qalibiga
Dhan baan  u arkaa sahwiga
Naftaa samriyaa hadana
Samaan ka fishaa rajada

Salkaan udhigaa cishqiga
Waxaan ku sigtaa ludiga
Sax baan u aqaan xubiga
Waxaan ku sitaa cindiga
Waxaan ka jaraa  saxarka
Waxaan ku xusaa cindiga

Waxaan sabayaa qalibiga
Dhan baan  u arkaa sahwiga
Naftaa samriyaa hadana
Samaan ka fishaa rajada

Exit mobile version