Kumaan baran nitaaqiyo
Nafta inaad wax yeesho
Anoo nolosha kuu huray
Kumaan odhan i niyad jabi

Kol hadaanu naxariis
Nabdigaygu kuu qabin
Qalbigii kuu nuglaan jiray
Nacabkiisa kuu galay
Nasiibkii i kaa baday
Iigu noqo ragaan idhi

**** **** ****

Marbaan rabay nagaashiyo
Naruurada kalgacalkee
Anoo kaa nisbaysanin
Kamaan mudan nusqaan

Kol hadaanu nasteex Jirin
nidarkeenii Uu buraye
kaa nastee adna iga naso
Ana ana naruuraan heli
Nasiibkii i kaa baday
Iigu noqo ragaan idhiye

Lyrics by Ibnu Hashi Muuse

Exit mobile version