Ubaxii qalbigaa ku abuurantaa
Indhihii kalgacal wey ku eegayaan
Ubaxii qalbigaa ku abuurantaa
Indhihii kalgacal wey ku eegayaan
Wey ku eegayaan wey ku eegayaan
Aasaagay midkaan kali aaminoo
Afkaygu aduu kuu tirshaa amaan
Aasaagay midkaan kali aaminoo
Afkaygu aduu kuu tirshaa amaan

Ma ogtahay inaan aawadaa
Kalgacal Ka adkaysan kari
Ma ogtahay inaan aawadaa
Kalgacal Ka adkaysan kari
Anba waan kabaa amarkiyo
Dhibtiyo aramida kalgacal
Anba waan kabaa amarkiyo
Dhibtiyo aramida kalgacal

Kuu oomaayoo eray dhaban sidii
Kuu oomaayoo eray dhaban sidii
Waan ololayaa ololayaa
Ololayaa kuu ololayaa
Ku abaarsadoo uurkiyo qalbiga
Ku abaarsadoo uurkiyo qalbigu
Wey ku aamineen aamineen
Aamineen wey ku aamineen

Exit mobile version