Heesta Xujo - Lyrics
Xantaada intii halyeesha
Intii xumaha ku badan
Maxaan ugu jaray xiriirka
Agtaada anigoo uxiisay
Intaan dumarnimo xishooday
Xogtaada maxaan wareestay
Hadaan xarag ka galay jaceylka
Adiga ka xuntahay iswaaga
Inoo xiriir yimaado dhaxdeena
Xujada timid baan ku diiday
Jaceylka hadaan xurmeeyo
Xanaansho hadaan xaqsiiyo
Weliba xeerkiisa dhowro
Midkaan qalbigii ku xeray
Xiskeeyga midkaan ku sooray
Midkaan xushay ee jeclaaday
Xumaanba intuu ka dhowro
Miyuu xal u heli jaceylka ?
Xiskiisa intuu siyaarto
Miyuu caashaqa xagiisa
Xusi oo usameen itaalo
Hadaan xarag ka galay jaceylka
Adiga ka xuntahay iswaaga
Inoo xiriir yimaado dhaxdeena
Xujada timid baan ku diiday