xidigan kalgacal
xuduntiisa dagay
xaglo daac sidii
bulshadii kas daran
xawaaraha luntee

xariir teeda wacan
xig laguma tolee
xanfalay miyaa
mise waa xintame
ku xasila cidlada

xuubkii caashaqee
ku xidhnaa qalbiga
xuutbaa liqoo
xukunkiisabaa
xiligiisu dhacay

adigoon xurmada
xaalayn cidnaba
waadigii xayiray
xiliyada cishqiga
isku soo xidhada

darisiyo xigaal
xidaarada markii
xog oaalka maqal
xaqiiqda arkoo
ka xumaado' ee

Exit mobile version