VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balanbaalis - Lyrics

Sida Meel Barwaaqo Ah Oo Buuro Dhaadheer Wabi Baal Maraayoo Barbarkana Daruuruu Kaga Began Yihiinoo Waaguna Baryaayoo Bardihii Magooliyo Ubaxii Gadaal Baxey Balanbaalis Qalimo Leh Hadba Laan Ka Boodaad Adna Ii Bidhaantaa Biligtaadu Waa Taa Kalgacaylka Beertoo Bilicdaad Wax Dheertahey. Meel Baadku Hawroo Maajiin Baldhiiliyo Maadhiyo Baldhuuluhu Baarka Isku Soohdeen Aan Bahal Ugaadhiyo Baryahaa Dad Soo Marin Oon Wali Bur Laga Gooyn Biyuhuna Qulqulayaan Sida Loo Guban Baxo Yaan Kugu Badhaadhaad Adna Ii Bidhaantaa Biligtaadu Waa Taa Kalgacaylka Beertoo Bilicdaad Wax Dheertahey. Hawdiyo Banaanoo Beeshu Nabad Bariisada Barqinayso Maalkoo Ay Bari Samaatahey Dhalintiyo Barbaartuna Dhaantiyo Balooleey Bulsho Gago U Fayteen Sida Loogu Beerraqo Subaxaan Ku Booqdaba Yaan Kugu Badhaadhaad Adna Ii Bidhaantaa Biligtaadu Waa Taas Kalgacaylka Beertoo Bilicdaad Wax Dheertahey
Queue is empty
-- / --