beel ku hadli maaye
sidii ubax bustaaniyo
barbar webi ku yaalo
inta uu iskii baxay
waliba baarka laga jaray

biyo waayin abidkii
bilicdiisi leeyaho
ninkuu helo barwaaqo
bil iyo nasiibkii

qoyskii badhaadhiyo
kala hela barwaaqiyo
rabigay balaadhshe
ubad uu ka beere
barakooba noqotaye
bismalaahi aamiin

been ku hadli maaye
maalin dhano kala baxay
sharad baratan loo galay
bilad geesi qaatoo
bulshadaba u madaxoo

beenta daajihiyo
boqor iyo ugaaso
dumar jaadka bilata
bil iyo nasiib lee

qoyskii badhaadhiyo
kala hela barwaaqiyo
rabigay balaadhshe
ubad uu ka beere
barakooba noqotaye
bismalaahi aamiin

been ku hadli maaye
basarkaaga wacan
edebtaada loo bogay
kugu faani waaye
boqorkaagi ku dhalay

baxsan hooyadaaba
samo kugu barbaarsho
ninku helay barwaaqo
bil iyo nasiibkii

qoyskii badhaadhiyo
kala hela barwaaqiyo
rabigay balaadhshe
ubad uu ka beere
barakooba noqotaye
bismalaahi aamiin

been ku hadli maaye
balantii adkeeye
barbarkiisa hawlee
intaa u baylihin
xilka gudan ogaa

beenta daajihiyo
boqor iyo ugaaso
dumar jaadka bilata
bil iyo nasiib lee

qoyskii badhaadhiyo
kala hela barwaaqiyo
rabigay balaadhshe
ubad uu ka beere
barakooba noqotaye
bismalaahi aamiin

Exit mobile version