Heesta Ruuneey - Lyrics
Damashii radanoow
Damashii radanoow
Dhirtu laamo bixisoo
Rucub midhaalaadey
Rayskiyo barwaaqadu
Ay riix udgoon yihiin
Rayskiyo barwaaqadu
Ay riix udgoon yihiin
Been lagu marii
Wadadaad I galisee
Ruuneey isoo eeg
Ruuneey isoo eeg
Meel raaxo badanoo
Roobku uu ku hooroo
Biyo laga rogmanayaan
2x
Raha iyo maroodiga
Aan wada rafiiqnee
Raha iyo maroodiga
Aan wada rafiiqnee
Been lagu marii
Wadadaad I galisee
Ruuneey isoo eeg
Ruuneey isoo eeg
Meel aar ka reemay
Raanta saydhinaayoo
Gorayadu ka roortaa
2x
Ha wada rucleeyaan
Raadraadiyaayee
Ha wada rucleeyaan
Raadraadiyaayee
Been lagu marii
Wadadaad I galisee
Ruuneey isoo eeg
Ruuneey isoo eeg