Heesta Hooyo dhooleey - Lyrics
inkastoo hooyo dhooleey
dhul fog aad ku nooshahay
dheehashada iyo maqalkana
aad iiga dheertahay
dhami waaxyahaygiyo
qalbigaad ku dhigantoo
dharaar iyo habeenbaan
hooyo kugu dhadhabayaaye
hooyo dhugashadaaa
naxariis ka dhabtoo
hooyooy dhabtaadaa
dhaxan laga galaayoo
hurdo lagu dhamaystaa
ma wax kula dhigmaa jira
hooyo khayrka dhaxashoo
dhaqankii rasuulkiyo
dhabadiisii qaadoo
aan mudanin dhib iyo naar
RABIGAY ha kaa dhigo
inkastoo hooyo dhooleey
dhismahaygii noloshaay
dhibaan aabe kula qabin
dhabtii ay ku gaadhoo
dhaayhaygiibaad tahoo
dhab waxaan jecelahay
xajka inaad dhex qaadoo
danbiga lagaa dhaqo
xajka inaad dhex qaadoo
xalay dhalad ka noqoto