Adaa hablaha u sitoo
Hankiyo maankaa ku raboo

Halbowlaha dhiiga sidayoo
Wadnaha adigaa hada saade
Hubaal hubaal naftaa ku jecel
Haldhaa dumareey

Ha igu oran wax ii daranoo
Huq iyo ciil la muutee

Nolasha adigaa hantiyee
Hankaaga ku soor

Hiil iyo ii noqo midaan
Ku nastoo leylaay

Himilada rajada rajadeyda
Dhistee leylaay

Leyla adaa hablaha ugu sitoo
Leyla dumar ugu horeeyoo
Leyla macaan kuu helanoo
Leyla hab ku so dheh my love

Hanashada qalbigeyga iyo
Dareenka adaa haga oo
Had iyo jeer anaa ku jecel
Haldhaa dumareey

Hoobaw mira macaan liyo
Iga hoo caashaq helee

Niyada adigaa hantiyee
Hankaaga ku soor

Hiil iyo ii noqo midaan
Ku nastoo leylaay

Hamigiyo rajada rajadeyda
Dhistee leylaa

Leyla adaa hablaha ugu sitoo
Leyla dumar ugu horeyoo
Leyla macaan kuu helanoo
Leyla hab ku so dheh my love

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version