anoo rabitaanka
rajada kalgacaylka
hankayga ka reebay
hamiga raxmadii
ka raagtay naftayda
qalbiga ku rusheeyay
hadaad riyo moodo
rag haa u dabranaato
jacaylkiyo raaxo
rug baan kuu gayaa
anoo ruxruxayaa
ridada ruuxdiisa
jacaylka ragaaday
markaad u riyaaqay
ka raali ahaatay
run kaa filanasay
hadaad riyo mood
rakaha u dabranaato
jacayl iyo raaxo
run baan u gayaa