caashaqa kalsoonidiisa
kurbadiyo dareenkiyo
xiise kicintiisa

kashkiyo halbawlaha
kaydsaday jacaylkee
kabakaadintoodii
kaalay ii noqo'ee

kori kori jacaylkoo kaalay
kufka taan ka doortaay kaalay
kaama maarmi karaye kaalay
kalgacaylka ila kori kaalay

xiisaha koolkoolintiisa
kasbashada xasuustiyo
kulan wadaageena

kolba waxay naf jamatiyo
karaamo siinteeda
caashaqa kalkaaliso
kaalay ii noqo

Exit mobile version