VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Tabantaabo - Lyrics

Cishqigan i taabtaa Nafta iigu kaa tolay Tiro ma le habeenkii Intaan toosay awgaa Yuusuf toosay awgaa Anigana tabtaasuu Caashaqu i turuqyoo Toogada wadnaha iyo Qalbigaad u tahay tiir Toban laab naftaydaa Kuu taagan adigoo Taaladii jacaylka Farxad aan ku taagnee Ila qaad talaabada Waa tabtaan filaayee Oo aan ku taamee Tabantaab naftaydoo Taada aan xaq dhawree Ila tiigso aayaha Aroos taaba gala iyo Ila toosi noloshee Aan tabiyo guurkee Maalin ii tusaalee Tolkii aad ka dhalatiyo Xigtadaan u tagiyoo Tiri maalmaha oo qudha Waa inoo talaadada
Queue is empty
-- / --