Gamuunkii soo gantidaa
Gibilkii ay gaartaba gadoomaaye
Geesiyoow nin kuu gafay maa Guuleesahaayee

Gabayga yeeraayow Gorxaan baxaayo iyo
Gurbaankaan Ow geedi shambow
Lagu guurihaayee lagu guurihaaye

Geedba geedka ka ween
Sida loo gontoo Adaa garataaye
Goshaan minaad gashid oo alla waa gariiraa

Gabayga yeeraayow Gorxaan baxaayo iyo
Gurbaankaan Ow geedi shambow
Lagu guurihaayee lagu guurihaaye

Exit mobile version