sanaagiyo salaxlaybaa
la iga soo salaamay
saxansaxo udgoonbaa
sanka la iga saaray

sogsogiyo galoolbaa
ii soo sanqadhayo
sahraay kaalay igu yidhi

ilaa bari samaadkii
sumcadiyo wanaagii
siday saaka tahaybaa
ii soo sanqadhayoo
sahraay kaalay igu yidhi

saaxiliyo sheekhbaa
la iga soo salaamay
saraariyo daroorbaa
la iga soo salaamay
sugoomaha dushoodiyo
suuqa maxamed moogaa
sahraay kaalay igu yidhi

ilaa bari samaadkii
sooliyo sanaagiyo
saldhigii awaaraa
ii soo siraatoo
sahraay kaalay igu yidhi

Exit mobile version