habeenkii ma jiiiftoo
dharaartii ma joogoo
waxaan jirayaayoo
u jiidh go'ayaa
jacaylka dartiisaa

afkiibaa i jeelay
juuq waan odhan waayay
jiraa i haleeshay
jihada iga halawday

markaan kuu jeedoo
ku jeexdo naftaydu
jirkayga dubaaxee

joog dheere macaane
jeexayga badhkiiyow
intaad ifka joogto
mid kale uma jeedee
jacaylka ilaali

waxaan dad u jeedin
ayaa i jabaaxay
jidhkayga dhex qaaday
jugtii iga gaaadhaa
dhagtayda ka jaw le

ii jiir nax aboowe
dhanaba ha iga jeedsan
dareenkii ha joojin
jabkayga ka dhawrso

meeshaad ila joogtoo
waxaan ku jumeeyo
runtii uma jeedee

Exit mobile version