VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl dhoofay - Lyrics

Intuu qeyrkey dhaqmaayay Intey laba guri dhiseysay Intuu hadba gaaf dhacayay Waxaan dib isugu dhigaayay Guur suge samir laan ahaaye Jaceyl dhoofaan sugaayay Hadaan dhayal kaga tagaayo Dhibaato inan maree Waxaan ugu dhabar adegay Dheeftiisa inaan helaayo Maantey rajadii dhabowday Guusheydi so dhawaatay Waxaa dhiman uun aroose Arini wey ii dhamaatay Intaan cidlada dhelka jiifay Intaan dhaxan weheshanayay Intey ilma iga dhaceysay Dhigeyguna oo farxaayay Guur suge samir laan ahaaye Jaceyl dhoofaan sugaayay Haduu dhalanteed iyo beena Waqtiba kuma dhumin lehyn Waxaan ugu dhabar adeegay Inaan dhaxalkiisa helo Maantey rajadii dhabowday Guusheydi so dhawaatay Waxaa dhiman uun aroose Arine wey ii dhamaatay. Lyrics by: Abdi deeq
Queue is empty
-- / --