samantu dadbay dhibtaa
xumaha qaarbaa siyaarta
badhbaa jira soocano
malaha saarbay qabaan
dulmiga saaxib la ahoo
waxay ka sasaan wanaaga
sax iyo qaladkaa umida
samanka duulkaan arkee
dhigay saar iima tilmaamo
garaad igu fila anaa leh
dantyada uma seego maalin
soo bandhigay jaceylkeena
sara xididka dhiigayga
ku qoray sadaro magacaaga
ha arkaan soomaaliii
si bay wax uxaasidaane
subxaanalah maad tidhahdiin

sagaal wajilaa jiroo
sir iyo caad midhanee
dadbaa jira kula socdoo
hadan adi kaala socdee
waxay sarifaan xantee
si weyn uga foojignow
cakuye sancadaalihiyo
sanadku uusoo batee
afkay ku sitaan suntee
kalsooni hasiinin buuxda
intaa siriq bay dhigaanee
sara xididka dhiigayga
ku qoray sadaro magcaaga
soo bandhigay jaceylkeena
ha arkaan soomaali
si bey wax uxasidaane
subxaanalah maad tidhaahdaan

Exit mobile version