VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xaqiiqso - Lyrics

Xigtada noloshayda iyo Xidigta aan naawilaa Waxaan xal uraadiyaa Qalbigan adi kugu xawilan Qudhaa xiligii kastaba Xusuustaaduun la noolee Dareenkaan adi kugu xidhiyo Xiskaa adi kugu lamaan Sidaan adi kuugu xiiso Cid kale uma xeeriyee Xaqiiqso inaan ku doortay Macaaneey inaan ku doortay xaqiiqso Dadnimo taan ugu xushiyo Xulkii dumarkee gobtaay Waxaan xoodaamiyaa Naftani kugu xeel baxdee Xurmaan goortii kastaba Xad dhaaf adi kuu hayaaye Carfaha weedhaha cudoon Ayaan kugu culaamaa
Queue is empty
-- / --