neecaw qabooiyo
nafta raaxadeedaay
faadumooy waxaa tahay
indhahooda nuurkood
nimca iyo sareediyo
inaan nolol raaxa leh
fadumo ila wadaagtaay
naftu waxa ay jeceshay
ay naawilaysaa
nabadii dhexdeenana
faadumo inan adkaynaa

nacab looma daayee
ruuxnaba xanuuniyo
naxli joogta qalbiga
niyada kaaga hayaa
nacas maaha runtii
nimaad ooridii tahoo
noloshiisa xalaaasha ah
naftu waxa ay jeceshay
ay naawilaysaa
nabadii dhexdeenana
faadumo inan adkaynaa

Exit mobile version