gaaridii haweenkaay
tii aan gayaankeeda
gaar uga xushee
qalbigayga galiyaay
guushiyo hogaankuba
adaa gacalo ii hayo
aari maayoo waligeed
adoon ila gurmayni
kaa gaabsan maayoo
waan ku goobi doonaa
hadaan iilka lay dhigin

gaaridii haweenkay
gambal soo dhashaa iyo
gayigoo abaariyo
gu, soo daa tahay
cadceedoo gubaysoo
gabigeed aduunyadu
samaduna gudhan tahay
geed la hadhsadaa tahay
kaa gaabsan maayoo
waan ku goobi doonaa
hadaan iilka lay dhigin

Exit mobile version