xariir aan ceeblahayniyo
xalkii aayahaygaay
xiisahaagu igu wayn
xusuustaadu igu badan
qalbigaygu kugu xidhan
kuu xaadhan laabtaydu
inaad ii xurmaysaad
xanaanaysa dookhee
intaan xay nahay
caashaqa xilka u hay

gaaridii xishoodkiyo
edab lagu xasiliyaay
xiligaan u fiirsado
xidigtaada gobonimo
ku xamdiyay illaaheena
xilo iiga kaa dhigay
inaad ii xurmaysaad
xanaanaysa dookhee
intaan xay nahay
caashaqa xilka u hay

Exit mobile version