Heesta Naftaydaay garasha laay - Lyrics
naftaydaay garasha laay
maxaad ruux kaa gardaran
misena kuu garaad aheeyn
intaas garabkiis u tahay
maxaad gacalkaa kujecel
weliba guushaadaa raba
u guushaa cadawnimo
haddana godab uga gashaa
maxaad ruux kuu go oo
gaaankiis kaa dalbaday
gidaar uga dhuumataa
haddana geed ugu sugtaa
qof gole jooggaa ka dida
nafyahay guurda raaca jecel
geelaan gaagaxeeyn
gaawaha uga dabasiddaa
mid godlanna uga tagtaaa
nftaydaay guiyo deeyr
maxaad gabal dhiciyo waa
rarkaan kaasii galbaday
gacmaha ugu hoorsataa
maxaad talo kula gudboon
gartaad u duudsidaaa
runtana uga geesmartaa
gawaan oradkana utahay
maxaad googaalihiyo
intaa gabay ugu dirtaa
garaabi qofaan laheeyn
gabaahirna uga dhigtaa
gabdhaha tii kuu jecleeyd
nafyahay guurda raaca jecel
geelaan gaagaxeeyn
gaawaha uga dabasiddaa
mid godlanna uga tagtaaa