VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Indhahu ma arkaan Lyrics

marwooy muxibada kalgacal
hadaan iska maydhi lahaa
naftaan kaa maarminoo
qalbiga muuqaaga jecel

wadnaha mulkideed hantiday
caashaqu maamushee hogaansho
mareenada dhiigu raaco
xubnaha miisanku saaroo
awood ku maquuniyee

indhuhu ma arkaan qof kale
dhagauhu ma maqlaan cod kale
anigu diidee midkale
miyaa la ii dhali mar kale

maqsuudka jacayl haduu
maankay ku tabi lahaa
wadnaha muhashada dartaa
mar walba kugu mayracaa

adaa maamula jidhkaba
kalgacal milicsiga dartaa
u arkaynin meel kale
ma moogi sidaan ahaaye
bal maqal caashaqa


Lyrics by: anwar
loading..
-- / --