VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qor qornaa cod kaliya - Lyrics

Qorqornaa ilwaad qoor taaganaa Dhexdu qabasho iyo qoton toosanaa Qumanidu dhaqaaq qoob dhigis samaa Way iqaadatee qoftu dhaladsanaa Indhihii qabtaa la qushuucsanaa Kasha qaayibtaa qiiraysanaaa QAADIRBAA simee yartu qanisanaa Ala qurux saanaaoo qaabsamaa Yarta qalanjadii qiimaysanaaa Alla qaayo iyo qalbi xaadhanaa Oo qawlsamiyo qosol fiicanaa Qumanaa haldhaa oo qadafla'aa Qayrkeed dhabtii qurux dhaafsana Qaybteed xishood ku qiyaasanaa Anigaa qiree qoftu fariidsanaa Xurmiyo qadarin qaabayn ogaa Qarib iyo xumaan ka qormaysanaa Oo qabwaynidiyo quidhsiga necba
Queue is empty
-- / --