VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidaad doontaba - Lyrics

Jacaylka adaa dalbaday Haddana diidoo dafiray Xumaatida aan dadana Maxaad ugu diirsataa Dhankayga markaan dadana Docdaaduu ka dheeliyaa Dulmiga aad igu waddan Anigu daahir baan ka ahay Danuuntaad ii qoddan Wanaag ku daboolayaa Intuu reerka dumi lahaa Anigu daayac aan qabee Anigu daayac aan qabee Sidaa doontaba ka yeel Dushaasaan kaa eegayaaa Dushaasaan kaa eegayaaa Xilkaan dusha saartay iyo Xaqaaagii maan dayici Adoo i dagaalayaa Jacayl ku daboolayaa Idam alle idiinku daya Diintaa noo sheegtayo Dabkaad ii qaadatiyo Dagaalkaadaan qarshaa Qalbigoo i dikaamayaan Duuduub xumo u liqaa Intuu reerka dumi lahaa Anigu daayac aan qabee Anigu daayac aan qabee Sidaa doontaba ka yeel Dushaasaan kaa eegayaaa Dushaasaan kaa eegayaaa
Queue is empty
-- / --