Jacaylka adaa dalbaday
Haddana diidoo dafiray
Xumaatida aan dadana
Maxaad ugu diirsataa

Dhankayga markaan dadana
Docdaaduu ka dheeliyaa
Dulmiga aad igu waddan
Anigu daahir baan ka ahay
Danuuntaad ii qoddan
Wanaag ku daboolayaa

Intuu reerka dumi lahaa
Anigu daayac aan qabee
Anigu daayac aan qabee
Sidaa doontaba ka yeel
Dushaasaan kaa eegayaaa
Dushaasaan kaa eegayaaa

Xilkaan dusha saartay iyo
Xaqaaagii maan dayici
Adoo i dagaalayaa
Jacayl ku daboolayaa

Idam alle idiinku daya
Diintaa noo sheegtayo
Dabkaad ii qaadatiyo
Dagaalkaadaan qarshaa
Qalbigoo i dikaamayaan
Duuduub xumo u liqaa

Intuu reerka dumi lahaa
Anigu daayac aan qabee
Anigu daayac aan qabee
Sidaa doontaba ka yeel
Dushaasaan kaa eegayaaa
Dushaasaan kaa eegayaaa

Exit mobile version