sarajooga muuqiyo tima sagal la moodoo
sabarkeeda dhaafiyoo suuradeeda midabkoo
aan wax lala simaa jirin
sawtkeeda sheekada xubi lagu sargooyiyoo
sumadii islaamkaay

garashada sadkeedii midii lagu siyaartaay
kalgacayl isaaqiyo sahwi igu abuurtoo waan
seexan waaye raboow qamar na kulansii

dahab aad u saafiyaa ama luul la saxar tiray
nuur lagu siraadiyo qurux aan sal guurayn
ma cadceedii subaxbaa
dabci suubanaantiyo samirkiyo dulqaadkaa
ma siday u dhalataa

Exit mobile version