in jacaylku sabab yahay
sumal xaadis badan yahay
oo uu sadriga sina uga maqnan karin
cilmibuu la saqafyoo
ruux sabana soo maray
uun baa sahal uga jawabe
ana sabana badan baan
ku saadaalinaayee
nafta kugu sasabayee

in jacaylku sumadiyo
sawir lagu gartaa jiro
oo aanu qof suuradayn karin
soo jireena uu yahay
silic iyo dhib leeyahay
oo sahwigiisu badan yahy
ana sabana badan baan
ku saadaalinaayee
nafta kugu sasabayee

Exit mobile version