Siduu aabaheen yidhi
Lama doonan naf rabee
Waa inaan adeecnaa

Inaan i ogayn ayaankeed
Hada is arkoodaa
Ama umar jacayl
Aboobee dhex maro

Is adeecideediyo
Aqal wada dhiskooduba
Waa kuudka nolashoo
Waa waa astaanta gobanimo

Alalaasku waa farax
Hamigu waa aroos
Aqal iyo jacayl
Ubad aayatiin wacan
Alaa idiinka barinee

Siduu dhaxal awoow yahay
Ama isla nasal nabaded
Waa inaan ajiibnaa

Ubaxa is guursaday
Xagay abakaashada
Ama ul iyo diir
Wehel midaa noqdaa

Isku duubnidoodiyo
Ayaa ila xul booguba
Waa soo jacayloo
Waa waa uduga qoyskee

Alalaasku waa farax
Hamigu waa aroos
Aqal iyo jacayl
Ubad aayatiin wacan
Alaa idiinka barinee

Exit mobile version