VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhookh iyo jaceyl - Lyrics

Dhamaan waaxyahaygiiyoow Dhuuxiyo wadnaha Adigaa ku dhigan Nafta kugu dhadhabaysa Dhabtii kugu sabaayoo Markii aan ku dheehdaa Farxad ii dhamaataa Dhubad qaadka sheekadana Misna dhaadashada guud Waan dhaabadeeyee Sidaan kuugu dhololo Ma iigu dhaadataayoo Adiguna dhankaagii Inaan layga soo dhicin Dhaar ma ii maraysaa Halbawlaha dhexdiisiyo Dhiigiyo lafaha Adigaa ku dhaqan Shool ii hilaaciyo Samo loo dhameeyow Markaad ii dhawaaqdaa Iiga dhigan aduunkee
Queue is empty
-- / --