Dhulkeygiyoow
Kii laygu dhalayoon
Ku dhaqaaq bartoow

Kaa dhoofi maayee
Dhankaloo qalaad
Ku han dhaafsan maayee

Inta aanan dhiman
Lay kaa dhex geline
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoon
Kaa dhiciyo cadowgee

Dhamac lagu shidwaa
Kii kugu dhashee
Dheef shisheeya kaa jecel

Maanta waa dhabtiyo
Kaa dhoofi maayo
Waa dhameestiraaya

Inta aanan dhiman
Lay kaa dhex gelin
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoon
Kaa dhiciyo cadowgee

Exit mobile version